Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo wafdi u dirtay deegaanka Xeraale

Recommended Posts

Deeq A.   

Caabudwaaq (SMN) – Madaxda sare ee maamulka Galmudug ayaa maanta wafdi dhex dhexaadin ah u diray deegaanka Xeraale ee waqooyiga goboka Galgaduud oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen labo maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi.

Wafdigan oo isugu jira xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Galmudug ayaa waxa ay kulamo ka bilaabi doonaan deegaanka Xeraale six al looga gaaro colaadaasi.

Sidoo kale waxaa la filayaa in xabad joojin rasmi ah ay kala dhex dhigaan beelaha haatan ku dagaalamaya deegaankaasi.

Wasiirka dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug Saalax Maxamed oo wareysi siiyay Shabelle ayaa ka warbixiyay dadaallada nabadeed ee ay wadaan.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-mahad-.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this