Deeq A. Posted March 20, 2019 Muqdisho (SMN)– Qoyskani oo ku nool xaafadda Black Sea ee magaalada Muqdisho oo la soo xariiray Shabelle ayaa ka cabanaya dhul boob lagu hayo. Dhulkan oo ah mid dhaxaltooyo ah ayaa waxa ay xubnaha Qoysku tilmaameen in ay sheeganeyo Haweeney ay qaraabo yihiin oo ka dacwootay maxkamadaha dalka. Cumar Deeq Maxamed Cismaan oo ka mid ah dadka wax ka leh dhulkaasi ayaa ugu baaqay madaxda sare ee dowladda in ay soo faragaliyaan arrintaasi. Sidoo kale Xaliimo Xalane Xabadow oo ka mid ah dadka ka cabanaya dhul boobkan ayaa xustay in haweeneyda sheeganeyso dhulkani aysan shaqo ku laheyn, islamarkaana ay adeegsaneyso awood dheeraad ah , sida ay hadalka u dhigtay. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/wARBIXIN.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites