Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubin ka tirsan Al Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka  ayaa howlgal qorsheysan oo 19-kii bishan ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho ku soo qabtay xubin ka tirsan Al Shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda, islamarkaana lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Sonna ayaa lagu sheegay in ciidanka amnigu ay gacanta ku soo dhigeen madaxii maxkamadda Al Shabaab deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Hay’adaha amniga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ma shaacin magaca sarkaalka la soo qabtay.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi.

Muddooyinkii dambe ciidanka amniga ayaa waday howlgallo xoogan, iyagoona 18-kii bishan gacanta ku soo dhigay labo ka tirsanaa Al Shabaab oo ku sugnaa Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this