Deeq A. Posted March 20, 2019 London (SMN) – Ha’yadda gargaarka ee OXFMAM ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in malaayiin ruux oo ku nool deegaano hoos taga gobollada woqooyi ee Soomaaliya ay wajahayaan abaaro iyo cunto la’aan baahsan. OXFMAM ayaa warbixinteeda ku xustay in roobabkii la filayay in aysan di’in, taasina ay sababtay n qoysas badan ay la kulmaan xaalado bani’adanimo ah. Amjad Cali oo ah madaxa hay’adda OXFAM ee Soomaaliya ayaa sheegay in abaarahani ay inta badan saameeyeen dumarka iyo caruurta oo wajahaya nafaqo darro xoogan. Sidoo kale Amjad Cali ayaa xusay in dadka ay sameeyeen abaarahu ay dhammaan xoolahooda ku waayeen abaaro horay ugu dhuftay dalka sanadkii 2017-kii,islamarkaana ay ku adagtahay in ay dib u sameystaan noloshoodii hore. Ugu dambeyn hay’addani ayaa shaaca ka qaaday in gobollada Togdheer, Sool iyo Sanaag ay ku nool yihiin dadka ay saameyeen abaaraha daran ee ka jira Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites