Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaqiiqda heshiiska Axmed Madoobe iyo R/W Kheyre – Madoobe oo bahdilay DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa wada-hadalladii magaalada Kismaayo ay ku yeesheen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo horey loo sheegay in la isku fahmay.

Hase yeeshee, waxaa hadda soo baxaya, in heshiiska la galay uu ahaa mid si aad ah ugu daneynaya Axmed Madoobe, oo u muuqda bahdil dowladda lagu sameeyey.

Axmed Madoobe ayaa diiday dhammaan qodobadii la hor-dhigay, marka laga reebo qodob ahaa inuu taageero nidaamka doorashada 2021 ee dowladda ay qorsheyneyso, oo si looga gado beesha caalamka loo baahan yahay taageerada maamul goboleedyada. Halkan ka aqri waxa uu yahay nidaamkaas.

Ilo-wareedyo aad loogu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in saddexda qodob ee dowladda ay ka dalbatay Axmed Madoobe, ee uu ku gacan seeray, ay ahaayeen:-

1 – Inuu dowladda kusoo wareejiyo maamulka dekedda iyo garoonka diyaaradaha, sida ku cad heshiiskii uu dowladda kula galay dalka Ethiopia xilligii Xasan Sheekh oo dhigayey inuu lix bilood gudahood sidaas ku sameeyo.

2 – In ciidamada milatariga iyo nabad-sugidda Jubaland oo mushaharkooda ay bixiso dowladda ay noqdaan kuwa dowladda hoos yimaada, oo hoggaankooda ay soo magacowdo, islamarkaana ka amar qaataa.

3 – In doorashada madaxweynaha Jubaland ay noqoto mid furan oo dowladda iyo beesha caalamka ay goobjoog ka noqdaan.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay in saddexda qodoba uu ku gacan seeray, isaga oo dowladda u sheegay in haddii sidaas uu sameeyo uusanba madaxweyne ahayn, oo ay uga wanaagsan tahay inuu xilka isaga dego.

Axmed Madoobe ayaa haddii ciidanka uu ku wareejiyo maamulka dowladda ka cabsi qaba ina lagu sameeyo wixii ka dhacay Baydhaba, halka garoonka iyo dekedda Kismaayo ay yihiin ilihiisa dhaqaale.

Si kastaba, Kheyre ayaa la sheegay inuu sii aqbaly heshiiska Axmed Madoobe, ayada oo ujeedka ugu weyn ee dowladda uu yahay inay taageero u hesho nidaamka doorashada 2021.

Waxaa xusid mudan, in doorashada Jubaland ay kasoo horeyso tan federaalka, sidaas darteed xitaa qodobka uu qablay Axmed Madoobe uu ka bixi karo marka dib loo doorto, taasi oo muujineysa sida Axmed Madoobe uga cayaar badiyey Kheyre.

Dhinaca kale, heshiiska Kheyre iyo Fahad Yaasiin kasoo qaadeen ayaan la ogeyn inuu aqabli doono madaxweyne Farmaajo oo la hor-dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this