Sign in to follow this  
Deeq A.

Faransiiska Oo Jaray Waraaq Lagu Soo Xidhayo Mas’uuliyiin Hore Oo Ruush Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Paris)-Faransiiska ayaa jaray warqad lagu soo xirayo labo ruux oo horay masuuliyiin uga soo noqday atleetikada Ruushka, arrintan ayaana qayb ka ah baaritaan lagu hayo macluumaad la qariyay oo la xiriira dawooyin mamnuuc ah oo awoodda jirka kordhiya oo la isticmaalay.

4e820d8c-1f2b-45e5-b250-56379772f040.jpg

Labada ruux ayaa kala ah ah Valentin Balakhnichev oo madax u ahaajiray atleetikada Ruushka iyo Alexei Melnikov oo tababare u ahaa kooxda qaranka ee Ruushka.

Labadadan nin ayaa sannadkii 2016kii laga mamnuucay atleetikada inta ay nool yihiin, arrintaas ayaana ka dambaysay ka dib markii ay soo baxday in dawooyinka jirka kordhiya ee sharcidarrada ah la isticmaalay arrintaasina ay gacan ka gaysatay dawladda Ruushka.

Balakhnichev ayaa warqadda lagu soo xirayo ku tilmaamay mid aan sal lahayn.

Baaritaanka ayaa billawday bishii Nofembar ee sannadkii 2015kii ka dib markii dacwad lagu soo oogay Lamine Diack oo Senegal u dhashay oo isaga oo madax ka ah Hay’adda caalamiga ah ee ciyaaraha fudud ee magaceeda loo soo gaabiyo IAAF lagu eedeeyay in uu aqlabay malaayiin doolar oo laaluush ah si uu u qariyo in ciyaartoyda Ruushku ay isticmaaleen dawooyinka awoodda jirka kordhiya ee mamnuuca ah.

Sannadkii 2017kii waxaa la jaray waraaqda lagu soo qabanayo wiilkiisa Papa Massata Diack, kaas oo lagu eedeeyay in uu qayb ka ahaa laaluush lagu bixiyay ciyaaro caalami ah.

Senegal ayaa go’aansatay in aysan dhiibin muddo afar sano ah ayuuna ku jiray liiska dadka ay aad u baadigoobayaan booliiska caalamiga ah ee Interpol, inkastoo uu diiday eedaymaha loo soo jeediyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this