Deeq A. Posted March 20, 2019 Waxa jirey dad BEERELEY ah oo tuulo yar kunoolaa , iyaga iyo beerahooda waxa u dhexeysey KAYN jiq ah , oo habar dugaag badani kunoolaa, kuwaas oo hilibka dadka ka khashaafi jirey , dadka dhexmaraayana waxba yeeli jirin , iyo shimbiro badan oo heesaaya . Hadaba waxa dhacdey maalin maalmaha ka mid ah , in shabeel gaboobey ay ku adkaatey inuu wax ugaadhsan karo , isagoo gaboobey awgeed , xanuunna u weheliyo , markaasaa wuxuu go aansadey inuu dadkii beeraleyda ahaa ee kaynta sii dhex mari jirey , markey beerahooda ku socdaan iyo markey ka soo caraabaanba inuu ugaadhsado . Waxa tuuladii beeraleyda aheyd lasoo deristey dhibaato wayn , oo joogto ah , maalin kasta iyo habeen kastaba dhiilo ayaa u taalla , guri aan laga ooyey ama barooranayni ma jiro. Beeralwydii waxay u ashtako tageen , ninkii magaalada u madaxda ahaa , in uu dhibaatadan wax kala qabto , laakiin umay suurto gelin in ay wax ka qaban karaan , waxaana u sabab ahaa , jileecooda iyo karti daradooda iyo isku duubno la aantooda . Waxay go aansadeen in boqorkii (madaxweynihii) jirey ay u gudbiyaan , wafdi ayey u direen xaggaa iyo caasimaddii dalka . Wafdigii boqorkii (madaxweynihii) ayey u sharxeen dhibaatada heysata , waxaanay doonayaan in boqorku wax uga qabto , mar haddii uu yahey sharcigii dalka ugu sareeyey . Boqorkii intuu aad iyo aad u cadhoodey oo isa sara taagan ayuu yidhi : maaniga oo nool ayaa waxaas oo kale dhulkeyga ka dhacayaan ? sidey suurto gal ku tahay in waxan oo kale dhacaan? wuxuu u yeedhey wasiirkiisii boqortooyada (madaxtooyada) wuxuu ku yidhi : qor : waxqadani waxay ka timi boqorkii waynaa ee dalkan maamulaayey waxaanay ku socotaa shabeelkan dad cunka noqdey , ee amaanka laga waayey ee raciyadeydii soo weerarey , waxan ku leeyahey aniga oo ah boqorkii sharciga gacanta ku hayey , : shabeel yahaw joojin weerarka aad beeraleyda ku hayso , iyo dad cun nimada aad sameynayso , haddii kale talaabo adag baanu kaa qaadi doonaa , waanan ku ciqaaabi doonaa . Boqorkii warqadii buu saxeexay , kabacdina wasiirkiisii boqortooyada ayuu u dhiibey , wuxuu ku yidhi : u gee shabeelkaa , oo gacanta ka saar , dadkii beeraleyda ahaa arinkii aad iyo aad bay ugu riyaaqeen . Wasiirkii shabeelkii meeshii loogu sheegey buu tegey , kayntii markuu dhexmaraayo , ayaa shabeelkii mudh soo yidhi oo hortiisa isasoo taagey , wasiirkii gacanta ayuu u taagey oo warqadii u dhiibey boqorku soo saxeexay shabeelkii warqadii iyo wasiiskiiba wuu cunay . Boqorkii wuxuu dhibaatadii beeraleyda ku xaliyey hadal iyo weedho aan ficil la socon . Hadaba weedhaha iyo hadalka aduunkoo dhan iyo qawaaniintoo dhami , waxba ma taraan , waxna kaama celiyaan , Haddii aanu jirin ficil ama awood wax fulisaa . Sidaa awgeed ma jiro hadal ama weedho kaa celinaya ( shabeel dadcuna ) , waxa kaa celin karaa waa awood iyo ficil . CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk Qaran News Share this post Link to post Share on other sites