Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad Hargeysa Ku Taala Oo Nin Ku Xukuntay In Dhagax Lagu Dilo, Haweenay Curyaan Ahna Boqol Jeedal Oo Garaacis Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamad Hargeysa Ku Taala Oo Nin Ku Xukuntay In Dhagax Lagu Dilo, Haweenay Curyaan Ahna Boqol Jeedal Oo Garaacis Ah Iyo Sharciye Yaqaano Ka Falceliyay.

  Maxkamad  Hargeysa kutaala ayaa xukun layaableh soo saartay kaasi oo nin ku xukuntay in dhagax lagu dilo, haweenay Curyaan ahna ku xukuntay Boqol jeedal oo Karbaashid ah, arintaasi oo aad uga yaqaabisay Garyaqaano caan ah oo aad u daadafeeyay Xukunkaasi, iyadoo aan baryahan looga baran Maxkamaddaha Dalka Somaliland Xukuno noocan oo kale ah.
hag-1-300x139.jpgdownload-2.jpg

Garyaqaan Guuleed Dafac Oo ka mid ah Looyaradda aadka looga yaqaan Dalka Somaliland islamarkaana ah xubin firfircoon oo u ololeeya arimaha Xuquuqul Iinsaanka ayaa ka hadlay arintan.

Qoraal uu arintani kaga hadlay oo uu soo dhigay Bartiisa Facebookga ayaa waxa uu ku yidhi sidan “Garsoore ka tirsan Maxkamadda Degmada oo aan dacwad ciqaabi hor ool, eed xeer-ilaalin soo gudbisay hayn, dhegaysi dacwad ciqaab ah qaadin ayaa magaalada Hargeysa ku xukumay nin in dhagax lagu dilo, gabadh kufsi ka cabanaysayna in 100 jeedal lagu dhufto. Garsooruhu isagaa isku xeer-ilaaliye iyo garsoore ba noqday. Mana uu eegin in maxkamadiisu awood u leedahay iyo in kale in qof dil lagu xukumo. Umana daynin hay’adaha sharci baadhista, iyo xeer-ilaalintu inay shaqadooda qabsadaan oo ogaadaan wixii dhacay iyo in gabadha curyaanta ah ee soo cabatay ay dulman tahay iyo in kale. Maragna muu qaadin”.

Gabadh curyaan ah ayaa sheegtay in nin kufsaday. Baadhistii dacwadda ayaa adkaaatay. Ninkii wuxuu ku dooday inaanu arag oo aan waxba dhex marin noocay doontee ha noqotee. Inantii uur ayay qaaday. Qareenkeedii waxaay ka codsatay maxkamadda degmada inay qaado DNA da ilmaha si loo oogaado cidda dhashay. Waxaay rabtay inay caddaynta u gudbiso xeer-ilaalinta si ay u yeesho ama u diido (mar haday iyadu awoodda sharci ee caynkaas ah leedahay). Garsoorihi DNA qudha qaaday xukun ayuu ku xejiyay isaga oo aan dacwad ba qaadin, xeer ilaalina sugin, baadhisna aan arag. Awood sharcina u lahayn. Inantii curyaanta ahayd ee sugaysay in hay’adaha baadhistu go’aan gaadhaan, waxa lagu yidhi 100 jeedal ayaa ku sugaya.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this