Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo La Kulmay Safiirada Midowga Yurub Ee Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan  wasiirrada arrimaha dibadda iyo qorshaynta maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Axmed Ciise Cawad iyo Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la qaatay safiirrada Muqdisho u fadhiya dalka xubnaha ka ah midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirrada ayaa ka wada hadlay joogtaynta taageerada midowga Yurub ee Soomaaliya , waxaana kulanka sidoo kale safiirradu ku boggaadiyeen horumarrada ay ku tallaabsatay dawladda Soomaaliya.

Kulanka dhex maray ra’iisul Wasaare Khayre iyo safiirrada dalalka Midawga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa kamid ahaa safiirradii  goob joogga ka ahaa danjirayaasha  Austria, Belgium, Denmark, France, Finland, Germany, Ireland, Italy, Spain, Sweden, Netherlands iyo boqortooyada Ingiriiska.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

IMG-20190319-WA0026 IMG-20190319-WA0022 IMG-20190319-WA0023 IMG-20190319-WA0024

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this