Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha maxkamada Al-Shabaab ee Bariire oo lagu qabtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal aad loo qorsheeyay oo ciidamada amnigu Soomaaliya ay fuliyeen 19-kii Bishan ayay ku soo qabteen madaxii maxkamadda Al-Shabaab ee deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida ay sheegtay wasaaradda amniga Soomaaliya, hawlgalkaan lagu qabtay horjoogahaan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho. Ninkan wuxuu Al-Shabaab u qaabilsanaa inuu u rido xukunada dilka ah.

Wasaaradda amniga Soomaaliya ma sheegin magaca ninkan la qabtay iyo faah-faahin ku saabsan qaabka loo qabtay.

Sidoo kael, Howlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen magaaladda Muqdisho 18-ka Bishaan ayaa waxay kusoo qabteen labo sarkaal oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda.

Qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in mid kamid ah labada sarkaal ee la qabtay uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsana dilalka qorsheysan ee Muqdisho.

Sarkaalka labaad oo laga soo qabtay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho, ayaa isna sidoo kale abaabulayey waxyaabo halis ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo nabad gelyada guud  ee dalka, sida ay dowladda ay sheegtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this