Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninkii Muslimiinta Ku Laayay New Zealand Oo Dood Cusub Abuuray.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-New Zealand)Ninka lagu eedeeyay inuu fuliyay weerarkii toogashada ahaa ee ka dhacay masjidka magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaa markii maxkamadda lasoo taagay abuuray muran ku saabsan dhaqanka internet-ka iyo fikrad xagjirnimo ah.

4A5519D2-733B-46AD-B195-07DB205E6C3A-102

Brenton Tarrant, oo 28 jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu Jimcadii weerarro ka fuliyay 2 masaajid oo ku yaalla magaalada Christchurch, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 50 ruux, oo ay ku jireen carruur.

Waxaa maalintii xigtay ee Sabtida ahayd la hor geeyay maxkamad, isagoo lagu soo oogay dacwad ku saabsan dil.

Markii ugu horreysay ee uu kasoo muuqday maxkamadda, Tarrant ayaa la arkayay isagoo gacantiisa ka muujinaya astaanta “SAX”, taasoo ah marka uu qofka isa saaro suulkiisa iyo farta xigta isagoo faraha kalena fidinaya.

Astaantan ayaa markii siyaabo kala duwan loo eegay lagu qeexay calaamad ay isticmaalaan dadka caddaanka ah ee jinsiyadaha kale neceb, balse waxaa kale oo suurta gal ah inuu dadka dareenkooda kusoo jiidanayay.

Dhanka kale, calaamaddaas waxaa adeegsada kooxaha xagjirka ah iyo sidoo kale xisbiyada muxaafidka, siyaasiyiinta midigta-fog iyo hay’adaha aruuriya farriimaha xagjirnimada ah.

Waligey kuma dhawaaqi doono magaciisa
Dhacdadaii toogashada ee lagu bartilmaameedsaday dad muslimiin ah oo tukanaya ayaa noqotay mid si weyn looga falceliyay guud ahaan dunida.

Ra’iisul wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern ayaa wacad ku martay inaan afkeeda laga maqli doonin magaca ninka falkaas geystay oo la xaqiijiyay inuu u dhashay waddanka Australia.

“Waxyaabo badan ayuu ku raadinayay falkiisa argagixisanimada ah, balse mid ka mid ah waxay ahayd inuu caan noqdo, waana taas sababta aydaan waligiin iiga maqleynin anigoo sheegaya magaciisa, waa argagixiso, waa dambiile, waa xagjir. Ku dhawaaqa magacyada dadkii halkaas naftooda ku waayay intii aad xusi lahaydeen magaca ninkii laayay”, ayey tidhi Ms Ardern oo khudbad qiiro leh ka jeedineysay baarlamaanka New Zealand.

Waxay sheegtay in isagu laga yaabo inuu caanimo raadinayay, laakiin dowladda New Zealand aysan waxba siineynin, oo xitaa magaciisa aysan u aqoonsaneynin marnaba.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this