Sign in to follow this  
Deeq A.

Fahfaahino kasoo baxaya qarax ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhaawacantay markii qarax culus uu caawa ka dhacay Muqdisho.

Qaraxa oo ah nooca baabuurka lagu xiro ayaa ka dhacay nawaaxiga xarunta dambi baarista ee magaalada Muqdisho.

Labada ruux ee ku dhaawacntay weerarka ayaa lagu kala sheegay in ay ka kala tirsan yihiin ciidamada Booliska iyo hay’adda dambi baarista ee CID-da.

Sarkaalka ka tirsan CID-da ayaa magaciisa lagu sheegay Daahir Xasan Xuseen, kaasi oo horey u soo noqday wasiirka howlaha guud ee Galmudug iyo gudoomiyaha Dayniile.

Labada qof ayaa la sheegayaa in xaalada caafimaad lagula tacaalayo goobaha caafimaadka, inkasta oo aan la ogayn inta uu gaarsiisan yahay dhaawacooda.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyada falkaan oo imaanaya xili amniga caasimada uu maalmihii dambeeyay ahaa mid soo hagaagayey.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this