Sign in to follow this  
Deeq A.

AL-SHABAAB oo fulinaysa ballan-qaadkii madaxweyne Farmaajo ee labada sano

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qabsashada al-Shabaab ee Balcad waxay runtii qeyb ka sheegi kartaa sida baahsan ee loogu fashilmay kalsooni-gelinta iyo dhirri-gelinta ciidamada dowladda oo markii labaad maalin cad lagala wareegayo gacan-ku-heynta degmada.

Inkasta oo ay dib u qabsadeen, haddana ciidamada Soomaaliya marnaba ma ahayn inay joogaan xaalad magaalao caasimaddii dalka saaran, ay si sahlan ku qabsato Shabaab.

Al-Shabaab ayaa bilihii ugu dambeeyey waxa ay muujinayeen heerka awooddooda. Qaraxyada iyo dilalka caasimadda ayaa joogto noqday, waxaana xalay ay magaalada usoo jirsadeen masafao dhow.

Madxaweyne Farmaajo wuxuu markii la doortay ballan-qaaday in laba sanno gudahood looga adkaan doono al-Shabaab, lagana saari doono dalka oo dhan, hase yeeshee waxaa hadda muuqata in ballan-qaadkaas ay fulineyso Al-Shabaab, oo isaga ay uga adkaaneyso laba sano.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxay al-Shabaab weeraro dhiig ku daatay ka fuliyeen caasimadda Muqdisho iyaga oo si aan dhuumaalaysi ku jirin uga dhex diriray meel madaxtooyada u jirta wax ka yar hal km. Waxaa xigay inay dharaar cad madaafiic kusoo asqeeyaan xarunta Villa Somalia.

Hayeeshe, falalkani waxay caadiyan u muuqan karaan wax iska caadi ah oo dowladihii ka horreeyeyba ay la kulmi jireen. Balse iyada oo loo eegayo ballamihii Farmaajo iyo sheegashada Kheyre ee ah inay micno walba ugu diyaar-garoobeen la-dagaalanka al-Shabaab ma ahayn waqtigan in laga hadlo cabsida laga qabo qatartooda, waxay ahayd in la falan-qeeyo sida hadda kaddib loo dhimi karo halistooda.

“Qabsashada al-Shabaab ee Balcad waxay iftiiminaysaa dayaca amni oo ka jira Muqdisho,” ayuu yiri Ali Dhuux oo dersa amniga gobalka. “Ma ahan wax la dheereysto in berrina ay qabsan karaan qeybo kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir.”

Faallada Cali Dhuux uu ka bixinayo qatarta aan loo bareerin oo al-Shabaab ay ku muujinayaan awooddooda, ma ahan oo kaliya saadaal. Ilaha qaar ee amniga ayaa fahamsan in loo baahan yahay in mas’aladu hadda aysan joogin sugidda amniga gobolka, balse midda caasimadda ay ku jirto halis weyn.

Qabsashadooda Balcad waa farriintii ugu danbeeyey ee si dhoolla-tusnimo leh loogu soo diray dowladda dhexe.

In madaxweyne Farmaajo uu si muuqata uga fal-celiyo weerarada al-Shabaab uma baahnaan doonto canbaareyn iyo caga-jugelyn afka baarkiisa ku eg. Waxaa halhaleel loogu baahan yahay tallaab muuqata oo laga bixiyo hujuumkooda joogtada noqday. Waana talada ay siinayaan khubarada amniga.

Inaan naan wax laga qaban sugidda amniga, ayay sii leeyihiin khubarada amnigu, waxay degmooyin badan hoos geyn doonta taliska al-Shabaab.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, Minnesota

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this