Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ka dhacay meel u dhow Xarunta Dambi baarista ee CID

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay qarax.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu xiray gaari ay wateen Sarkaal ka tirsan Xarunta Dambi Baarista CID iyo mas’uul horey usoo noqday Guddoomiyaha Degmada Dayniile.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow Xarunta Dambi Baarista CID oo ku taal inta u dhaxeyso Isgoysyada Km4 iyo Zoobe.

Baabuurka Qaraxa lagu xiray ayaa waxaa watay Sarkaal ka tirsanaa CID oo magaciisa lagu soo koobay Dhagey iyo Daahir Xasan Xuseen oo ah wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug  horeyna usoo noqday Guddoomiyaha Degmada Danyiile Sanadkii 2013.

Sida Caasimadda Online loo xaqiijiyey Sarkaalka CID ka tirsan ayaa qaraxa si xun ugu dhaawacmay kaasoo ka dhaawacyo daran ay kasoo gaareyn lug iyo Gacan, waxaana dhaawiciisa la geeyey Isbitaalka Digfeer oo hadda lagu dabiibayo.

Waxaa Qaraxa ka badbaaday wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Daahir Xasan Xuseen oo gaariga la saarnaa, sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay wiil dhallinyaro ah oo wade ka ahaa Bajaaj mareysay meel u dhow gaariga qarxay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa soo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay waxaana daqiiqado kadib suurta gashay isku socodka dadwdeynaha iyo Gaadiidka.

Sarkaalkaan ka tirsan CID ee qaraxa lala eegtay ayaa horey uga badbaaday qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay isla meesha uu hadda qaraxa kula qabsaday.

Wixii warar ah ee kusoo kordho kala soco Caasimadda Online

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this