Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiisha Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada iyo dilalka Muqdisho oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen magaaladda Muqdisho 18-ka Bishaan ayaa waxay kusoo qabteen labo sarkaal oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda.

Qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in mid kamid ah labada sarkaal ee la qabtay uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsana dilalka qorsheysan ee Muqdisho.

Sarkaalkan oo aan la magacaabin ayaa la sheegay inuu ka qeyb qaatay, islamarkaana uu fududeeyey seddex qarax oo ka dhacay magaaladda Muqdisho, kuwaasi oo lagu waxyeeleeyey dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Sarkaalka labaad oo laga soo qabtay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho, ayaa isna sidoo kale abaabulayey waxyaabo halis ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo nabad gelyada guud  ee dalka, sida ay dowladda ay sheegtay.

Sida dowladda ay sheegtay, ma jirto  waxyeelo ka dhalatay Howlgalka lagu qabtay raggaan ka tirsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this