Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog xasaasi ah oo Shabaab u sahashay qabsashadii Balcad iyo siday u dhacday

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday degmada Balcad ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaana ay maamulayeen degmada muddo saacado ah.

Al-Shabaab ayaa qabsaday xarunta degmada, Saldhigga Booliiska iyo Xabsiga dhexe ee degmada, waxayna dab qabadsiiyeen Saldhigii Booliiska ee degmada Balcad.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya sida ay Al-Shabaab ku qabsadeen Balcad. Dad kala duwan oo ku sugan Balcad ayaa Caasimada Online u sheegay in xalay degmada aysan ku sugneyn inta badan ciidankii maamulka ee Al-Shabaab iska difaaci kara.

Ciidamadii ku sugnaa degmada Balcad ee Milateriga ayaa la sheegay in ay ku baxeen dagaalkii ka dhacay degmada Cadale, waxaana magaalada ku sugnaa 2 Cabdi Bile oo kaliya iyo dhowr askari.

Waxaa la aaminsan yahay in Al-Shabaab qabsashada magaalada ay u fududeeyeen sirdoon ay ku leeyihiin degmada sababtoo ah waxay ka war qabeen in ciidamadii ku sugnaa Balcad ay shalay ku baxeen dagaalkii Cadale, Ciidan badanna uusan ku sugneen degmada, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in hada la geeyay ciidamo kale oo dheeraad ah kuwaas oo isugu jira booliis iyo milateri fariisin ka sameestay goobihii ay xalay ka soo weerar tageen Al-Shabaab.

“Al-Shabaab waxaa u fududeeyay qabsashada Balcad basaaskooda, maxay hore ugu dhiiran waayeen, waxaa loo sheegay in xalay ciidan badan joogin degmada, durbadiina waa soo galeen”, sidaas waxaa Caasimada Online u sheegay qof ka mid ah dadka degaanka.

Sirdoonka Al-Shabaab ayaa la sheegay in inta badan ay ka fir-fircoon yihiin kan dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa Degmada Balcad xalay kasoo weeraray Saddex jiho oo kala ah laba wado oo jaay ah kana timaada dhinaca degmada Afgooye iyo wada ka timaada dhinaca degmada Jowhar halkaas oo fariisin ay ku leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Balcad, waxana dagaalkii halkaasi ka dhacay kula wareegeen degmada Balcad.

Ciidamada Shabaab ayaa waxaa u suuragashay inay gudaha cagta dhigaan Degmada Balcad, islamarkaana ay qabsadaan Xarunta Maamulka, Saldhiga Ciidamada, Xarunta Nabad Suggida iyo goobo kale oo Magaalada gudaheeda.

Saldhiga Degmada Balcad waxa ay ka sii daayeen dhamaan maxaabiistii ku xirnayd, sidoo kalena waxa ay gubeen gaari uu lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle, gaari uu lahaa Agaasimaha Idaacada Balcad & Sarkaalka qaybta Canshuuraha Maamulka Degmada u qaabilsan oo Goomiiste uu lahaa & gaarigiisaba ay gubeen.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Degmada Balcad ayaa sheegay xalay oo dhan inaysan seexan oo ay ku jireen xaalad feejignaa ah, kadib markii maamulkii Degmada & Ciidanka ay isugu tageen Xaafadda Xaawo Taako oo ah meesha ay degan yihiin Ciidamada Amisom, xalay oo dhana difaac ay halkaasi kaga jireen.

Waqti dambe oo xalay ayaa la sheegay Shabaab inay isaga baxeen guud ahaan Degmada Balcad, iyadoo uusan ka dhicin wax dagaal ah, balse waxa ay sii qaateen dhamaan qalabkii kala duwanaa ee yaalay goobihii ay qabsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ayaa saaka lagu arkayaa Degmada Balcad kuwaasi oo tagay goobihii Shabaab xalay ay qabsadeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this