Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshe cusub: Somalia oo heli doonta ciidan ka hor-taga qaraxyada & weerarada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Booliiska dalka Jabuuti Korneel Cabdullaahi Maxamed oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta khubad u jeediyay Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya kadib markii uu booqday Dugsiga Tababarka Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee General Kaahiye.

Taliyaha ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay Soomaaliya u tababari doonto Ciidamo Booliis ah oo ka hortaga Qaraxyada iyo dilalka qorshaysan oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan magaalooyinka iyo Gobalada dalka.

“Waxaan Soomaaliya u tababari doonaa Ciidamo gaar ah oo Booliis ah kuwaas oo ka badan kun Askari, waxaan bari doonaa ka hortagga qaraxyada iyo weerarada”, ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliiska dalka Jabuuti

Taliyaha Jabuuti ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhibaato badan ku qabto dilalka ay fuliyaan Al-Shabaab iyo kooxo kale, sidoo kalane ay dhib badan ku qabto qaraxyada Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho sidaas darteedna ay Dowladda Jabuuti u tababari doonto Ciidamo arimahaan u tababaran.

“Waad ogtihiin Soomaaliya malahan Ciidamadii loogu talagalay ka hortagga Qaraxyada, iyo muusiibooyinka kale ee la midka sida weerarada tooska ah, waxaan rabnaa in aan ka caawano oo aan tababarno dhalinyaro wadaniyiin ah”, ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliiska dalka Jabuuti Korneel C/llaahi Maxamed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this