Deeq A. Posted March 19, 2019 Dhoobley (SMN) – Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa maanta howlgallo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyay duleedka magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose iyo sidoo kale xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya. Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa sheegay in howlgalkan uu yimid, kadib markii rag ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Libooya oo dhaca xadka labada dal, islamarkaana la tuhunsan yahay in dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay ku dhuumaaleysanayaan keyn ku taalla halkaasi. Ma jirto illa iyo hadda cid lagu so qabtay howlgalladani oo ay shaaciyeen saraakiisha Jubbaland. Magaalada Dhoobley ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland iyo Ciidamo Kenyaan ah, waxaana maalmihii dambe ka socday qorshe labada dhinac ay isaga kaashanayEEn arrimaha amniga iyo dagaalanka ka dhanka ah Al Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites