Sign in to follow this  
Deeq A.

 Warxbin xasaasiya:Liiska Magacyada Muslimiintii lagu xasuuqay masaajidka Al-nuur+Takhasusuusyadooda,Shaqooyinkay Hayeen & Dalalkay u dhasheen

Recommended Posts

Deeq A.   

 Warxbin xasaasiya:Liiska Magacyada Muslimiintii lagu xasuuqay masaajidka Al-nuur+Takhasusuusyadooda,Shaqooyinkay Hayeen,Da’da qof walba,Sawiradooda & Dalalkay u dhasheen

 

 

Dad badan ayaa ka tacsiyeeyay weerarkii lagu qaaday labada masaajidDad badan ayaa ka tacsiyeeyay weerarkii lagu qaaday labada masaajid

Konton ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkii Jimcihii lagu qaaday labada masaajid ee ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Dadkaas intooda badan waxay u tageen New Zealand in ay wax ka soo bartaan ama ka soo shaqaystaan si ay lafahooda ama kuwa qoyskooda nolol wanaagsan ugu helaan.

Qaar ka mid ah dadkaas waxay ahaayeen qaxooti ay la noqotay in ay heleen ammaan.

Waxay isugu jireen waaliddiin, lamaaneyaal iyo asxaab. midka ugu yar wuxuu jiray saddex sano.

Waa kuwan magacyada qaar ka mid ha dadka dhintay sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dawladda ama ehelka dadka dhintay.

Mucad Ibraahim oo saddex jir ahaa

Mucad ayaa ahaa qofkii ugu da’yaraa ee la aqoonsaday. Masaajidka ayuu u raacay walaalkii Cabdi iyo aabhood oo labaduba ka badbaaday weerarka.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa ku warrantay in booliisku ay qoyska ku wargaliyeen geerida wiilkooda.

Cabdi oo mar hore la hadlay warbaahinta gudaha ee Stuff ayaa sheegay “in ay xaalad adag qabsatay, dad badanna ay soo waceen iyaga oo waydiinaya in ay caawimaad u baahan yihiin, waxan oo kalena waligay ma arag.” ayuu yiri

Wuxuu yiri Mucad wuxuu ahaa “wiil firfircoon oo ciyaar badan, wuxuuna jeclaa in uu muusoodo qoslo qoslo.

Atta Elayyan, 33

Atta Elayyan waxaa la dilay isaga oo ku tukanaya masaajidka Al NuurAtta Elayyan waxaa la dilay isaga oo ku tukanaya masaajidka Al Nuur

Atta Elayyan oo gool haye u ahaa koox ciyaarta kubadda cagta ee shan shan ruux loo ciyaaro ee afka qalaad lagu dhaho futsal ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay masaajidka, sida ay sheegtay kooxda kubadda cagta ee NZF.

Ninkan oo Kuwayd ku dhashay ayaa kooxda Futsal Whites u saftay 19 kulan.

Ciyaaraha marka laga soo tagana wuxuu madax ka ahaa shirkad dhanka tiknoolajiyadda dadka ka caawisa oo la dhoho LWA, taas oo uu aasaasay 2010.

“Qayb ayaa bannaan wadnayaashanada, ayuu yiri Margetts oo masuul ka ah NZF.

“Atta wuxuu ahaa nin wanaagsan, qof walbe oo u dheela kooxda Futsal Whites iyo dhammaan ciyaartoyduba way ka heli jireen. ma jiraan erayo aan ku cabbiri karno dareenkannaga, run ahaantiina waan u xiisi doonnaa. Ayuu intaas ku sii daray.

Daoud Nadi wuxuu jiray 71 sano

Daoud Nabi

Daoud Nadi ayaa ahaa qofkii u horreeyay ee la aqoonsado, wuxuu ku dhashay Afghanistan, balse qoyskiisa ayuu ula soo wareegay New Zealanad 1980yadii, isaga oo ka baxsanayay qabsashadii Soviet-ka.

Wuxuu ahaa injineer waxaana la sheegay in uu jeclaa gawaaridii hore, balse markii uu shaqada ka fariistay wuxuu hoggaamiye bulsho ka noqday New Zealand.

Wuxuu madaxweyne u ahaa ururla bulshda reer Afghanistan, waxaana lagu yaqaannay taageerada uu u hayo kooxaha soo haajiray.

Daoud Nadi waxaa la rumaysan yahay in uu xabbada isu dhigay si uu u badbaadiyo dadkii masaajidka ku sugnaa.

Wiilkiisa Cumar ayaa NBC News ku yiri: Haddii aad ka timid Falastiin, Ciraaq iyo Suuriya – wuxuu ahaa qofka u horreeya ee ku gacan qaban.”

Sayyad Milne wuxuu jiray 14 sano

Sayyad Milne wuxuu rabay in uu ciyaartoy noqdo marka uu waynaado.

Jimcihii wuxuu ku sugnaa masaajidka Al Nuur isaga oo ay weheliso hooyadii. Sida uu aabihii u sheegay warbaahinta New Zealand. “Si rasmi ah la iiguma soo sheegin in uu dhintay, balse wuu geeriyooday, sababtoo ah waa la arkay.”

“Waxaan ku xasuustaa in uu ahaa ilmahaygii qarka u fuulay in aan waayo markii uu dhashay. geesi yar ayuu ahaa, waa arrin aad u adag in aad aragto isaga oo u dhintay rasaas uu furay qof aan waxba dan kalahayn, cidnana u aaboyeelayn.

“Waan ogahay meesha uu jooga, waan ogahay oo ammaan buu haystaa.”

Mark Wilson oo maamule ka ah iskuulka Cashmere High School ayaa warbaahinta Newshub u sheegay in Sayyad “uu ahaa canug wanaagsan oo indhahiisu naxriis leeyihiin, isla markaasna qalbi fiican oo muusood qurux badan”.

Naeem Rashid oo 50 jir ahaa

Naeem Rashid wuxuu asal ahaan ka soo jeeda magaalda Abbottabad ee dalka Pakistan wuxuuna macallin ka ahaa Christchurch.

Naeem Rashid oo sannado ka hor sawir lagaga qaaday New Zealand isaga oo la taagan wiilkiisa TalhaNaeem Rashid oo sannado ka hor sawir lagaga qaaday New Zealand isaga oo la taagan wiilkiisa Talha

Muuqaal laga duubay weerarka masaajidka Al Nuur ayaa lagu arki karaa Naeem Rashid oo mar isku dayaya in uu ka hortago ninka hubaysan.

Rashid ayaa si xun u dhaawacmay, isbitaal ayaa markii dambe loola cararay balse wuu geeriyooday. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa xaqiijisay geeridiisa. Halyay ayay dad badan ku tilmaameen.

Walaalkii Khurshid Alam ayaa sheegay in uu aad u farxay markuu arkay ficilka walaalkii.

Wuxuu ahaa qof geesi ah, dad halkaas ku sugnaa oo goobjoogeyaal ahaana waxay sheegeen in uu dad badbaadiyay intii uu isku dayayay in uu joojiyo ninkaas. Sida uu Alam u sheegay BBC.

“Wali waan argagaxsannahay, si kastabase ha ahaatee halyay ayuu noqday. Waan ku faanaynaa hadda. waase sidii adiga oo lugta lagaa jaray oo kale”. ayuu intaas ku sii daray.

Ra’iisulwasaaraha Pakistan oo ayaa Twitter-ka ku soo qoray in dhiiranaantii Rashid darteed lagu abaal marin doono billad qaran”.

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @ImranKhanPTI

G3QDI4pv_normal.jpg

Imran Khan

✔@ImranKhanPTI

We stand ready to extend all our support to the families of Pakistani victims of the terrorist attack in Christchurch. Pakistan is proud of Mian Naeem Rashid who was martyred trying to tackle the White Supremacist terrorist & his courage will be recognized with a national award.

Talha Rashid wuxuu jiray 21 sano

Dalxa wuxuu ahaa wiilka u wayn carruurta Rashiid. Markii ay qoysku u wareegayeenna New Zealand wuxuu jiray 11.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa xaqiijisay geeridiisa.

Saaxiibbadii waxay sheegeen in Dalxa uu hadda helay shaqo, uuna rajaynayay in uu guursado.

“Maalmo ka hor markii aan la hadlay Naeem Rasheed wuxuu ii sheegay in uu qorshaynayo in uu aado Pakistan si uu wiilkiisa ugu soo guuriyo,” ayuu yiri Dalxa adeerkii oo ku sugan Lahore.

Wiil kale oo Rashid dhalay ayaa laga dawaynayaa dhaawacyo soo gaaray.

Zeeshan Raza, Ghulam Husain, Karam Bibi

Zeeshan wuxuu jiray 38 sano wuxuuna ahaa wiilka kali ah ee ay dhaleen Ghulam Husain iyo Karam Bibi.

Zeeshan RazaMARYAM GUL

Raza wuxuu dhigrii ka haystay makaaniknimo wuxuuna ku takhasusay mootooyinka. 2014 ayuu u wareegay Auckland isaga oo degenaansho rasmi ah ka helay New Zealand. Maalmihii ka horreeyay weerarka ayuu u wareegay Christchurch, isaga oo guri ka kiraystay meel u dhaw masaajidka Al Nuur.

Waalidkii ayaa soo booqday toddobaadkii hore. Ghulam Husain wuxuu ku koray Karachi wuxuuna u shaqeeyay shirkadda diyaaradaha ee Pakistan tan iyo intii uu hawlgabka ka noqonayay. Karam Bibi waxay ku dhalatay Karachi balse waalidkeed ayaa ka soo jeeda gobolka Punjab.

Ghulam Husain, Karam Bibi and their grandchildrenMARYAM GUL

Wiilkooda ayay u raaceen masaajidkii uu sida joogtada ah u aadi jiray Jimcaha. Saddexdoodiiba waa la dilay waxaana lagu aasi doonaa New Zealand.

Gabadhooda Maryam Gul ayaa ka badbaaday. BBC Urdu ayaa sheegtay in aysan awoodin in ay ka qayb gasho aaska.

“Waxaan isku dayi doonaa in aan sida ugu dhakhso badan u aado, haddii ay suuragasho.” ayay tiri

Dadka kale ee Pakistan u dhashay ee aan da’dooda la aqoon

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa xaqiijisay geerida:

  • Sohail Shahid
  • Syed Jahandad Ali,
  • Syed Areeb Ahmed
  • Mahboob Haroon

Farhaj Ahsan oo 30 jir ahaa

Farhaj Ahsan

Farhaj Ahsan ayaa 10 sano ka hor ka soo wareegay magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya wuxuuna ahaa injineer ka shaqaynaya dhanka korontada.

Xaas iyo labo carruur ah ayuu lahaa, waxayna carruurta kala yihiin gabadh saddex jir ah iyo wiil lix bilood jira.

Masuuliyiinta New Zealand ayaa qoyska la wadaagay geerida, sida uu BBC-da u sheegay walaalkii Kashif.

“Qofna ma filayn waxa ka dhacay New Zealand oo ah dal nabadda jecel,” sida aabihii Sayeeduddin uu u sheegay laanta Telugu ee BBC.

Hosne Ahmed waxay jirtay 44 sano

Hosne Amhed waxay ku sugnayd qaybta dumarka ee masaajidka Al Nuur, markii ay rasaastu billaabatay ayay ku soo orodday dhanka ragga si ay u badbaadiso ninkeeda oo qayb ahaan jirkiisu uusan shaqaynayn kuna socda gawaarid naadafada.

“Anigu xumaan uma qabo ninkii dadka toogtay, ayuu yiri Uddin oo la hadlay saxafiyiinta.

“Waan cafiyay, waxaana Allaah uga baryayaa in uu hannuuniyo.” Ayuu intaas ku sii daray

Lamaanahan ayaa asal ahaa ka soo jeeday Bangladesh.

Zakaria Bhuiyan

Guddi ay leeyihiin Hindida ayaa sheegay in Bhuiyan uu ahaa nin dhanka dhismaha ka shaqeeya. wuxuu gacan ka gaystay dib u dhiskii magaaladaChristchurch ka dib dhulgariirkii dhibaatada baaxadda leh u gaystay sannadkii 2011.

Wuxuu ahaa mid ka mid ah dadkii ugu dambeeyay ee la aqoonsaday, waxaa la rumaysan yahay in booliiska oo baaritaan ku haya masaajidka Al Nuur in ay soo heleen maydka.

Qaraabo dhaw uma joogaan New Zealand, balse saaxiibbadii ayaa Sabtidii iyo Axaddii mudaaharaad dhigay, iyaga oo dalbanaya sababta ay wakhtiga dheer u qaadatay in la aqoonsado.

“Walaalkanno ayaa la la’yahay, ugu yaraan xog naga siiya” ayuu qof boor ku soo qortay.

Mojammel Hoq

Asal ahaan Bangladesh ayuu ka soo jeedaa Hoq, magaalada Christchurch wuxuu ku sugnaa muddo labo sano ah isaga oo baranayay caafimaadka ilkaha, wuxuuna ahaa ehlu masjid.

Jahirul Islam oo ay saaxiib dhaw ahaayeen isku gurina daganaayeen Hoq ayaa Radio New Zealand u sheegay in qoyska marxuumka ay aad u danaynayaan in maydkiisa loo sii qaado.

“Adduunkoodii ayay waayeen. aniguna sidoo kale,” ayuu yiri.

Mohammed Omar Faruk oo 36 jir ahaa

Muwaadin reer Bangladesh ah ayuu ahaa, Alxanle ayuuna ka ahaa New Zealand.

Saaxiibbadii ayaa warbaahinta New Zealand u sheegay in xaas uurleh ay u joogtay Bangladesh.

Muhammed Abdusi Samad, 66

Bangladesh ayuu u dhashay wuxuuna macallin ka ahaa jaamacadda Lincoln University, mararka qaarna masaajidka Al Nuur ayuu tujin jiray.

Hafiz Musa Vali Patel 52 jir ayuu ahaa

Hafiz Musa Vali PatelAYUB PATEL

Hafiz ayaa aad ugu dhaawacmay qarax, isbitaal ayaa loola cararay halkaas oo uu ku geeriyooday.

Waalidkii ayaa Laanta Gujarati ee BBC-da u sheegay in Jay Makwana uu dhintay balse aysan masuuliyiinta New Zealand si rasmi ah ugu dhawaaqin geeridiisa.

“Qof aad u farxad badan ayuu ahaa,” sida uu sheegay walaalkii Ayub Patel

Hafiz ayaa ku noolaa Fiji, dalka New Zealand wuxuu u soo wareegay 20 maalmood ka hor. Labo wiil oo uu dhalay ayaa ku nool Australia, labo gabdhood oo uu dhalayna waxay ku nool yihiin New Zealand.

Wuxuu Hindiya ka soo wareegay 30 sano ka hor balse sannad walba wuu booqan jiray,” ayuu yiri Ayub “Aad baan u argagaxnay.” ayuu intaas ku sii daray.

Khaled Mustafa

Ururka dadka Suuriyaanka ah ay leeyihiin ee Syrian Solidarity New Zealand ayaa sheegay in Khaled Mustafa lagu dilay masaajidka Al Nuur.

Khaled Mustafa smiling and standing with a horse

Mustafa wuxuu ahaa qaxooti ka soo firxaday Suuriya. Isaga iyo qoyskiisa ayaana New Zealand u soo wareegay sannadkii hore oo kalia ah, wuxuuna u arkayay meel lagu nabadgalayo, sida uu ururkaasi sheegay

Mid ka mid ah wiilashiida oo aan la aqoonsan ayaa wali la la’yahay. wiil kale oo uu dhalay ayaa aad u dhaawacmay qalliin ayuuna galay.

Hamza Mustafa

Hamza waxaa dhalay Mustafa oo sidoo kale qaxooti ahaa. 16 sano ayuu jiray. Aabihii ayuuna ku ag tukanayay wuxuuna geeriyooday Sabtidii sida ay xaqiijiyeen New Zealand.

Hamza wuxuu ka mid ahaa ardaydii dhiganaysay Cashmere High School ee la dilay, Mark Wilson oo ah maamulaha iskuulka ayaa ku tilmaamay “arday wanaagsan”.

“Inkastoo uusan wakhti badan halkan ku noolayn haddana saaxiibbo badan ayuu samaystay, sida Wilson uu u sheegay warbaahinta Newshub.

Zaid oo ka yar Hamza ayaa wali isbitaalka ku jira.

Linda Armstrong waxay jirtay 65 sano.

Linda waxay ku dhalatay New Zealand waxayna ku kortay Auckland. waxay u wareegtay Christchurch si ay uga ag dhawaato qoyskeeda.

Diinta Islaamka ayay qaadatay iyadoo da’da 50yada ku jirta. Qof ay qaraabo yihiinna wuxuu sheegay in jameecada masaajidka Al Nuur ay aad u jeclaayeen una ixtiraami jireen Linda.

Kyron Gosse ayaa warbaahinta New Zealand Herald u sheegay in ay “ahayd maskiin sida dhallaanka oo kale ah” ayna asxaab la noqotay dad badan oo safar ah, soo galooti iyo qaxooti, iyadoo u furtay gurigeeda qalbigeeda iyo jikadeedaba”.

Amjad Hamid 57

Wuxuu ahaa Dhakhtar lama arkin tan iyo markii uu weerarku ka dhacay masaajidka uu Jimce walbe ku tukan jiray. Qoyskiisa ayaa warbaahinta New Zealand u sheegay in ay meel walba ka raadiyeen. ayna la tahay in uu dhintay

“Waa arrin murugo badan waxaan rajaynaynay mustaqbal fiican oon helno anaga iyo carruurtanadaba,” ayay tiri xaaskiisa Hahan oo la hadashay warbaahinta New Zealand Herald. waxay ku tilmaantay in uu ahaa nin aad u naxariisbadan.

Lamaanahan ayaa New Zealand u wareegay 23 sano labo wiil ayayna isu dhaleen.

Matiullah Safi oo 55 jir ahaa

Matiullah Safi

Safaaradda Afghanistan ee dalka Austaralia ayaa xaqiijisay dhimashadiisa iyada oo Facebook qoraal soo dhigtay.

Stuff.co.nz ayaa qoraytay in Matiullah (ama Mathullah) Safi uu ku noolaa New Zealand sagaal sano ku dhawaad, uuna shaqooyin kala duwan soo qabtay.

Isaga iyo xaaskiisa waxaa ka beermay toddobo carruur ah oo kala ah lix gabdhood iyo hal wiil.

Anzi Ali Bava oo 23 Jir ahayd

Gabadhan oo 23 jir ahayd ayaa New Zealand u soo wareegtay sannadkii hore si ay waxbarashada Mastarka uga dhigato jaamacadda Lincoln University.

Masaajidka ayay kula sugnayd ninkeed Ponnath Abdul Nazar Jimcihii, wuxuuna ka shaqaynayay suuq laga dukaamaysto.

Afar ruux oo masaari ah

Masar ayaa xaqiijisay in ay weerarkii Jimcihii kaga dhinteen afar ruux.

Qoraal ay dawladdu soo dhigtay Facebook ayayna ku sheegtay magacyadan.

  • Munir Suleiman
  • Ahmad Gamaluddin Abdel Ghani
  • Ashraf al-Morsi
  • Ashraf al-Masri – oo ah aabo labo canug dhalay

Cabdiqaadir Cilmi oo 70 jir ahaa

Wuxuu ahaa Soomaali Afar ilmood dhalay

Musa Nur Awale oo 77 jir ahaa

Asal ahaan wuxuu ka soo jeedaa Soomaaliya

Afar ruux oo urdun u dhalatay

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun ayaa xaqiijisay dhimashada afarteeda muwaadin balse midkoodna ma aysan magacaabin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this