Sign in to follow this  
Deeq A.

Qabsashadii Al-Shabaab ee BALCAD ‘waxay ahayd arrin muddo la filayey’

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in qabsashada kooxda Al-Shabaab ee degmada Balcad ay ahayd wax la filayey marka la eego xaaladda hadda ay ku sugan tahay dowladda Soomaaliya.

Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab oo isa soo abaabulay ayaa xalay weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, oo ay gacan ku haynteeda la wareegeen.

Cabdirisaaq oo hadda ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa sheegay in marka la eego xaaladda ciidamada amniga Soomaaliya ay haatan ku sugan yihiin in qabsashadan la saadaalin karay.

Waxa uu sheegay in xaaladda adag ee ciidamada ay wajahayaan ay ka mid tahay milatari badan oo goosanaya, qaar saldhigyadooda uga soo baxaya mushahar la’aan, musuq-maasuq iyo awoodooda howlgaleed oo xaddidan.

Ciidamada dowladda ayaan muddo afar bil ah qaadan wax mushahar ah, xilli dowladda ay muhiimadeeda siisay inay lacag ku bixiso dagaal siyaasadeed iyo shaqsiyaad lacag lagu siiyo inay dowladda ammaanaan.

Screen-Shot-2019-03-18-at-5.57.59-PM.png

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this