Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogtii Ugu Horraysay Oo Laga Helay Sanduuqi Madooba Ee Diyaaradii Dhacdaye Ethiopian Airlines.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Addis Ababa) Kadib baaritaan socday mudo toddobaad ah ayay mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya shaaciyeen in xogtii ugu horeysay laga helay Sanduuqyada Madow ee diyaaradii Ethiopian Airlines ee burburtay Axadii 10-ka Maarso.

84837AE5-D109-45A3-9B98-BDF9404EF8A3.jpe

Sanduuqyada Madow ayaa loo qaaday magaalada Paris ee dalka Faransiiska si Daatada ku jirta looga soo saaro, loona daraaseeyo, waxaana la socda xubno ka tirsan dowladda Itoobiya iyo shirkadda diyaaradda sameysay ee Boeing, iyadoo Itoobiya ay ku adkeysatay in baaritaanka lagu sameeyo Faransiiska, halkii la geyn lahaa Mareykanka.

Xogta laga helay sandaadiiqda madoow ee diyaaraddii Ethiopian Airlines oo nooceedu ahaa 737 Max 8 ayaa muujisaay inay isku mid yihiin ciladaha qabsaday diyaaradda Itoobiya iyo diyaaradii la midka ahayd ee ku dhacday dalka Indonosia, waxayna arrintan caddeyn u tahay nooca diyaaradda Boeing 737 Max 8 ay cilad wada qabto.

Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Dagmawit Moges ayaa u sheegay warbaahinta inay socdaan baaritaano dheeraad ah, wuxuuna intaasi ku daray in warbixinta ugu horeysa ee rasmiga ah ay soo bixi doonto muddo 30 cisho gudahood ah.

Xogta hordhaca ah ee laga helay diyaaradda ayaa sheegeysa in llabada diyaaradood uu la wareegay nidaam sababay inay duuliyeyaasha xukumi waayeen, iyadoo marna sare u kaceysa marka soo hoobaneysa ilaa ay dhacdo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this