Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog dhamaystiran :- Tirakoobkii Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Oo Dib Loo Dhigay.

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Shalay oo sabti ah taariikhduna kubeegnayd 17 March waxaa kulan deg deg ah codsaday xubnaha gudiga tirakoobka qaranka ee dalka itoobiya kadib markii xubnuhu kuqanci waayeen hanaanka diyaar garawga ee tirakoobka 4aad iyo xaalada guud ee dalku kujiro.

Raisul wasaare kuxigeenka dalka uu Demeke Mokennon oo ah gudoomiyaha gudiga tirakoobka qaranka ayaa saaka kulan deg deg ah isugu yeedhay xubnaha gudiga isagoo kajawaabaya codsigii shalay ee xubnaha gudigu usoo gudbiyeen.

Kulankan saaka ayaa lagu soo bandhigay arimo dhawra oo muujinaya in dalka uusan kadhici karin tirakoobka 4aad wakhtigii loo qorsheeyay oo ahaa bilawga bisha April 2019 taasoo ay mudo gaabani kahadhay.

Xubnaha gudiga ayaa soo bandhigay in ilaa iyo hada deegaanka Tigreega oo kaliya uu yahay deegaanka sibuuxda loo gaadhsiiyay qalabkii tirakoobka islamarkaana dhamaystiray tababarada xubnaha tirakoobayaasha halka deegaanada kale qaarkood aan ilaa hada wax qalab ah lagaynin islamarkaana aan wax tababar ah loo samaynin xubnihii tirakoobka fulinlahaa.

Xubnaha gudiga ayaa sidoo kale soo bandhigay warqad dawlada deegaanka shucuubta koonfureed (Debub) ay sirasmi ah ugu soo gudbiyeen gudiga in xaalada hada lagu jiro uusan wax tirakooba kaqabsoomi karin deegaankaas, maadaa ay xaalada amaanku tahay mid aad uhoosaysa islamarkaana ay jiraan dad boqolaal kun ah oo kabarakay goobihii ay daganaayeen.

Waxaa kale oo kulankan lagu soo bandhigay guudahaanba xaalada amaanka iyo mida nololeed ee bulshada deegaanada dalka iyo waliba cabashooyinka laxidhiidha dhanka qorshaha Diyaarinta goobaha tirakoobka ,,Mapping’ka,, iyo tirada tirakoobayaasha ee ka,imanaya intabadan deegaanada dalka.

Dood dheer kadib waxay inta badan xubnaha gudigu sibuuxda isugu raaceen in uusan dalka kadhici karin tirakoobka 4aad wakhtigii horay loogu qorsheeyay ee April 2019.

Intaa kadib gudoomiyaha gudiga tirakoobka qaranka H.E Demeke Mokennon ahna raisul wasaare kuxigeenka JDFI ayaa ugudbiyay wakaalada tirakoobka qaranka in dib loodhigay tirakoobkii 4aad ee dalka, iyadoo markale la shaacin doono xiliga uu tirakoobku qabsoomayo.

Waxaa xusid mudan in aysan ahayn markii 1aad ee dib loodhigo tirakoobka 4aad ee dalka, xaalado amaan iyo kuwo noleleed oo dalka kajira awgeed.

SDM
Abdirahman Mohamed Chief Editor

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this