Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dhalashada iyo muuqaalka ninka fuliyey weerarka Netherlands oo la shaaciyey + Dhimashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Utrecht (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhay khasaaraha dadka ku dhintay toogashada ka dhacday magaalada Utrecht ee dalka Netherlands, oo hadda mareysa saddex qof.

Toogashada oo uu gaystay nin hubeysan ayaa ka dhacday goob tareenada laga raaco oo lagu magacaabo Fagaaraha 24 October, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay sagaal qof.

Booliska ayaa sidoo kale baahiyey muuqaalka nin u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Gokman Tanis, oo 37 jir ah, kaasi oo la sheegay inuu weerarka fuliyey, waxaana weli socda baadi-goobkiisa.

“Waxaan xaqiijin karnaa dhimashada saddex qof, iyo dhaawaca sagaal kale, oo saddex ka mid ah xaaladooda ay halis tahay” waxaa sidaas yiri duqa magaalada Utrecht Jan van Zanen.

Ra’iisul wasaaraha dalka Netherlands¸ Mark Rutte ayaa baajiyey kulan uu la lahaa isbahaysiga talada haya, waxaana lagu war-geliyey dhacdadan. Booliska ayaa weli wada baaritaanka.

Toogashada ayaa dhacday 10:45am xiliga magaalada Utrecht oo ku beegan 1:45pm xilliga magaalada Muqdisho.

11139066-6821647-image-a-2_1552918009775 11137448-6821647-This_photo_released_by_ 11136978-6821647-image-a-72_155291488615 11135152-6821647-image-a-54_155291226792 11135150-6821647-image-a-49_155291223358 11135148-6821647-image-m-48_155291086984 11134854-6821647-image-m-38_15529103915811133486-6821647-image-a-29_155290973461 11133482-6821647-image-a-24_155290741615 11133480-6821647-image-a-25_155290753532 11132798-6821647-Emergency_services_stan

Caasimada Online
Xafiiska Amsterdam
Caasimada@live.com   

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this