Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaad Ibraahim: 3 jirkii Soomaaliyeed ee u orday ninkii silica ugu dhex-dilay masjidka

Recommended Posts

Deeq A.   

Christchurch (Caasimada Online) – Mucaad Ibraahim wuxuu xirnaa kabo cad waxayna waalidkiisa geeyeen masaajidka lagu magacaabo Al Noor. Kabihiisa banaanka masaajidka ayuu ku siibtay waxaana la socday aabihiis iyo walaalkiis ka weyn si ay salaada Jimco ugu tukudaan.

Laakiin nasiib daro indhihiisa cadaa ee yara, weynaa wey isku qabsoomeen waana markii ugu miir dambeesay xiligii gaariga gurmadka deg deg ah lagu qaadayay waana markii ugu dambeesay waalidkiisa arkeen isaga!

Mucad Ibrahim waalidkiisa waxay rajeeneyeen inay meedkiisa dhaqaan sidoo kalena aasaan maalinta Isniinta waana arin dhaqanka Islaam-ka garab maarsan madaama diinta Islaamka fareyso in meedka si deg deg ah loo duugo 24-saac gudaheeda.

Mucaad.jpg

Mucad Ibrahim waa 3-jir kaasi oo New Zealand ku dhashay waalidkiisana waa Soomaali kuwaas oo 20-sano ka hor dagaal dalkooda ka socday kasoo baxsadeen.

Mucad Ibrahim wuxuu ahaa wiil tamar badan aad u jecel cayaarta marwalbo dhoola cadeeyo qosolkiisana badan yahay. Walaalkiis ka weyn Abdi wuxuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray “Walaalkeyga qaaliga ah waan ku tabi doonaa!”

Mucad Ibrahim wuxuu ahaa qofka ugu yaraa 50-ka qof ee masaajidka lagu dilay magaalada Christchurch mana ahan magaalo musiibada ku cusub tahay madaama sanadii 2011 dhul gariir ka dhacay ay ku dhinteen 185-qof.

Laakiin geerida Mucad waa mid dad badan qalbiyadooda taabatay sidoo kalena reebtay xanuun badan oo aan dhamaad laheyn oo dhibaato loogu geestay dad aan waxba galabsanin.

“Wuxuu noqon lahaa dhaqtar wanaagsan ama Ra’iisul Wasaare” sidaas waxaa dhahay Mohamud Hassan oo 21-jir ah kana mid ah  bulshada Soomaaliyeed ee New Zealand ku nool kuwaas oo 60-qoys ka kooban.

Mucaad aabihiis Aadan Ahmad wuxuu qorsheenayay wiilkiisa salaada Jimcada inay isla tukadaan kadibna sidii caadada u ahay kubad uu kusoo cayaarao Hagley Park inta badana Mucad aabihiis ayuu raaci jiray si uu kubada usoo daawado laakiin nasiib daro Mucaad iyo kuwo kale oo badan oo aan waxba galabsanin waxay ku baxeen gacanta argagaxiso aan naxariis laheyn.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this