Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo la dhaafay – Yaa dilalka ugu badan ka fuliya Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku sugan baraha Kontarool ee ku yaala magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dilal dhowr ah ka geestay magaalada Muqdisho.

Dilalka ugu badan ayey Ciidamadu u geestaan dhalinyarada ka xeeya Gaadiidka Mooto Bajaajta ee ka shaqaysa magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa ku dhowaad 60 qof ku dilay magaaladii Muqdisho dhowrkii bil ee la soo dhaafay ilaa hadana ma jirto xitaa hal askari oo dilkaasi Maxkamad loo soo taagay.

Tiradaas ayaa aad uga badan tirada dadka ay Shabaab ku dileen magaalada Muqdisho.

In Ciidamada Booliiska ay shacabka dilaan islamarkaana aysan jirin wax Maxkamad ah oo la soo taagay ayaa dhiiri gelisay in Ciidamada ay sii wadaan dilalka magaalada waxaana isa soo taraya qayla dhaanta Shacabka magaalada Muqdisho.

Bishaan oo kaliya ayaa Ciidamada Booliiska ugu yaraan dhowr iyo toban qof waxay ku dileen magaalada Muqdisho, sidoo kale waxay ku dhaawacayn tiro intaasi ku dhow.

Dilalkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay isgoysyada Sanca, iyo Taleex kuwaas oo loo geestay dad shacab ah iyo Askari katirsan Ciidamada ilaalada Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir.

“Imisa qof ayay Ciidamada Booliisku dileen laga soo bilaabo sanadkaan ilaa hada, kama yara 60 qof, ma aragtay hal Askari oo Maxkamad la soo taagay, ma jiro”, sidaas waxaa Caasimadda Online u sheegay mid kamid ah ehalada dadkii ay Ciidamada ku dileen magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this