Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Mudanayaal Aqalka Sare Ah Oo Baaq u Diray Beelaha Ku Dagaallamaya Sh/dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaal ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadee diray beello walaalo ah oo isku haya deegaanno hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Waxaa mudanayaashan ka mid ah, Muuse Suudi Yalaxow iyo sidoo kale Dr Dufle oo deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle.

Waxay dadkan walaalaha ah ee dagaallaya ka dalbadeen in nabadd ay ka shaqeeyaan islamarkaana wadahadal ku dhammeeyaan wax walbo oo dhankooda ah.

Sidoo kale, mudanayaashan ayaa ka dalbaday dowladda dhexe in kaalinteeda ka qaadato kala qaboojinta dadkan, sidoo kalena ka dalbaday inta xal kama dambeys ah la gaarayo la kala dhex-dhigo beelahan ciidamo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/Aqalka-Sare-Baaq-Nabadeed-Hirshabeelle.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this