Deeq A. Posted March 18, 2019 Berbera (SMN) – Shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in ay ballaarisay qeybo ka mid ah dekadda magaalada Berbera ee maamulka S/land. Sarkaal ka tirsan shirkaddaasi ayaa xusay in ay ku kordhisay Wiishash casri oo suura gelin kara in baddeecooyin laga soo dejiyo dekaddaasi. Qoraal ka soo baxay DP World ayaa lagu sheegay in saddex Wiish oo dheeraad ah lagu saa’iidyey dekadda Berbera, kuwaas oo qeyb weyn ka qaadanaya dakhliga dekadda. Suhail Al Banna,oo ah madaxa shirkadda DP World ee bariga dhexe iyo Afrika ayaa sheegay in meel wanaagsan ay mareyso qorshaha ballaarinta dekadda Berbera. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ay ku bixiyeen ballaarinta dekaddani 12 milyan oo dollar. Qorshaha shirkada DP World ay ku maalgelinayso dekadda Berbera, si sare loogu qaado wax soo saarkeeda ayaa magaaladaasi ka bilaabatay sanadkii 2017-kii. Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa DP World la galay heshiis lagu ballaarinayo dhismaha dekaddaasi oo ka bixiyso malaayiin dollar. View the full article Share this post Link to post Share on other sites