Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Puntland oo dib ugu laabanaya Buuraleyda Galgala

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (SMN) – Ciidamo isugu jira boolis iyo daraawiish oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in dib loogu celiyo deegaanno ay ka soo baxeen oo ku yaalla Buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

Saraakiil ka tirsan kuwa Puntland ayaa sheegay in ciidamadani oo haatan ku sugan deegaanka Jimbac dib loogu celinayo fariisimihii ay soo baneeyeen.

Sidoo kalena waxa ay intaasi ku dareen in la xaliyay tabasho dhinaca mushaarka  ah oo ay qabeen.

Dhankiisa Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha. Puntland Siciid Cismaan Aadan oo kulan gaar ah la qaatay ciidankani ayaa xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo siin doono xuquuqdooda , islamarkaana la daryeeli doono.

Sabtidii la soo dhaafay ayey ahey markii ay ciidankani  dib uga soo baxeen deegaanada Buuraleyda Galgala ee G/ Bari, waxaana fariisimihii ay soo baneeyeen la geeyay ciidamada loo yaqaano PMP iyo PSF ee isla maamulka Puntland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this