Deeq A. Posted March 18, 2019 Hargeysa (SMN) – Wafdigani oo uu horkacayay wasiirka arrimaha dibada dalka Eritrea Cismaan Saalax ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka S/land Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa wafuudani oo aan la shaacin u jeedkooda u diray Somalialnd, xilli Muqdisho uu booqasho 2 maalin qaadatay ku yimid madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu khilaaf dhulka ah kala dhaxeeyo dowladda Eritrea. Dowladaha Eritrea, Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa sanadkii tagay wada gaaray heshiis iskaashi, kaas oo lagu nabadeynayo dalalka geeska Africa, waxaana horay booqasho rasmi ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ugu yimid madaxweynae Isaias Afwerki. Illaa iyo haatan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kama uusan hadlin waxa ay salka ku heyso booqashada wasiirka arrimaha dibada ee xukuumadda Asmara. Sidoo kale lama oga waxa uu socdaakani ka bedali doono xiriirka wanaagsan ee haatan u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Eritrea. View the full article Share this post Link to post Share on other sites