Deeq A. Posted March 18, 2019 Baladweyne (SMN) – Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Jabuuti Mudane Cali Xasan Bahdoon iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wasiir Bahdoon iyo wafdigiisa waxaa Baladweyne ku soo dhaweeyay saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ka howlga gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Inta uu jooga magaaladaasi waxa uu wasiirku kulamo la qaadan doonaa ciidamada Jabuuti ee Hiil Walaal oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Kulamadan ayaa diirada lagu saari doonaa howlgallada ciidamada Jabuuti ay ka wadaan halkaasi. Mudane Cali Xasan Bahdoon wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti ayaa qeyb ka ahaa wafdigii madaxweyne Geelle oo sabtidii booqasho ku yimid M/Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites