Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha Australia Oo Dhaliilay Hadallada Islaam Nacaybka Ah Ee Uu Ku Hadlay Xildhibaankii Wiilka Yari Madaxa Beedka Kaga Feedhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-New Zealand)-Wakhti warbaahinta dunidu si weyn u qaadaa dhigayso falkii layaabka lahaa ee ka dhacay waddanka New Zealand ee ninka cunsuriga ahi ku xaquusay 49-ka qof ee masaajidka ku cibaadaysanayay waxa dhinaca kale saacadihii la soo dhaafay warbaahinta adduunka gaar ahaan ta dalalka New Zeland iyo Australia qabsaday warka la xidhiidha hadalladii uu tiraabay xildhibaanka Australian ka ahi ee keentay in wiil yar oo 17-jir ah isna madaxa kaga feedho xabbad beed ah.

0.jpg

Ra’iisal Wasaaraha waddanka Australia Scott Morrison ayaa wax laga xumaado oo argagax leh ku tilmaamay hadallada ka soo yeedhay Xildhibaan Fraser Anning oo ah xildhibaan laga soo doorto Woqooyi bari ee Australia waddanka Austrlia kaasi oo falkii xasuuqa ahaa ee New Zeland ka dhacay ku tilmaamay wax ay galabsadeen Muslimiintu gaar ahaan kuwo u soo hijrooday dalalka Austrlia iyo New Zeland oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo calool xun sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Xidlhibaankan ayaa cadho weyn ka dhaliyay guud ahaan caalamka Islaamka waana ta keentay in wakhtigan Ra’iisal Wasaaraha waddanka Australia Scott Morrison ka hadlo isaga oo sheegay in hadalkaasi xildhibaanka ka soo baxay uu ahaa mid laga naxo oo aan asal ku lahayn Australia isaga oo sheegay in Xildhibaanka sidan u hadlay aanu matalin shacabka Australia ee uu ahaa mid isaga ku kooban.

Dhinaca kale waxa baraha bulshada iyo warbaahinta qabsaday wiilkii yaraa ee 17-ka jirka ahaa ee markii uu Xildhibaan Fraser Anning ka hadlay xaaladda dadkii lagu laayay Masaajidada ka caadhooday kaasi oo isaga oo xildhibaankan ag taagnaa si kedis ah madaxa ugaga feedhay xabbad beed ah taasi oo keentay in isna uu xildhibaankan cunsuriga ahi gacan qaad ula tago wiilka yar.
Wiilkan yar oo la sheegay in uu u dhashay waddanka New Zeland ayaan la xaqiijin in uu Muslim yahay iyo in kale waxaana loo badinayaa in aanu ahayn Bulshada Muslimka ah ee dalkaasi balse uu ahaa wiil ka dhiidhiyey kaliya hadallada uu xildhibaankaasi ku hadlay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this