Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxa Caddaatay Inay Agaasimeyaal Cuneen Dhulkaasi Oo…” Xisbiga UCID Oo Soo Bandhigay Dhismeyaal Sifo Sharci-Darro Ah Uga Socda Hargeysa Iyo Boobka Lagu Hayo Hantida Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Somalilandtoday) Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa shalay kormeer ku tegay dhismeyaal sheegeen in si sharci-darro ah looga dhisay meelo ka mid ah magaaladda Hargeysa, dhismeyaashaas oo sheegeen in qaarkood laga dhexdhisay waddooyin, waxaanay eedeeyeen madaxda dawladda hoose oo ay sheegeen in dhulkaasi ay iibsadeen.

Xisbiga-UCID-Oo-Soo-Bandhigay-Dhismeyaal

Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid, Yuusuf Keyse Cabdilaahi oo shalay warbaahinta kula hadlayay Hargeysa ayaa soo bandhigay boob uu sheegay in lagu hayo hantidii qaranku lahaa ummadda kawada dhaxaysay, waxaana uu yidhi;

“Xisbiga Ucid waxa uu u kuurgalay dhismeyaal sharci-darro ah oo ka socda caasimada Hargeysa. Waxaanu saaka (shalay) socdaal ugu baxnay meelo ka mid ah caasimada oo ay ka mid yihiin, iskuulka Sheekh Bashiir iyo degmada Maxamed Mooge iyo wadada boqol iyo kontonka.

Waxaannu cod dheer ku cambaaraynayaa wadadii weynayd ee boqol iyo kontonka oo sifo sharci-darro ah loo xidhay oo loo gooyay taasi oo ay dhismeyaal cusubi imika ka socdaan oo la dedejinayao. Markaanu soo waraysanaya dawladdii hoose iyo dadkii deegaankaba, waxa caddaatay inay agaasimeyaal cuneen.

Waxaannu Ugu Baaqaynaa Maayarka caasimada, Cabdiraxmaan Soltelco , Maayor-ku-Xigeenka Iyo Xoghayaha Dawlada Hoose, Inay Wax ka Qabtaan Dhismayaasha dhiig baxa iyo Sharci Daradda ku ah Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo masuuliyadi ka saaran tahay isla markaana ay shaqadoodii iyo waajib saaran ay tahay inay deg deg u gutaan 3-dan Masuul ee aan kor ku xusay.

Arintan aan ka hadlayno maanta ee baaqa iyo Fariinta dhiilada leh uga sidna masuuliyinta dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa waa xaqiiqo aanan waxna ku darin waxna ka reebayn waa arin aanaan mucaaridnimo iyo hebel dhaliil uga dhig midna uga dan lahayn balse waa Dhawaaq iyo Cabasho mudooyinkii u Dambeeyey Shacabka Caasimada Hargeysa Gaar ahaan Dadweynaha ku dhaqan Degmada Maxamed Mooge ee Hargeysa ay soo gaadhsiinayeen Xisbiga Mucaaridka ah Ee UCID in Wadadii 150 ka ee Xaafadaasi Rag Dawladda hoose ka tirsani oo Waliba Agaasimayaal ka ahi Ay Sifo Xaaraan ah Ugu Sharciyeeyeen isla Markaana Dhismayaal ka Socdaan

Taas ayaanu indhahayaga ku soo aragnay, Waxaanan ugu Baaqay Hogaanka Dawlada Hoose inay Wax ka Qabtaan, Hadii ay ka Qaban waayaan Waxaanu u Fahmaynaa in ay Kula Jiraan iyaguna.” Ayuu yidhi Yuusuf Keyse Cabdilaahi Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this