Deeq A. Posted March 18, 2019 Afgooye (SMN) – Xarakada Al Shabaab ayaa shaacisay in ay si rasmi ah ula wareegtay gacan ku heynta deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda xalay ay qabsadeen deegaankaasi oo ku yaalla waddada xeebta ee Muqdisho iyo Marka. Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa 12-ka April ayaa shalay gelinkii dambe soo baneenyay fariisimo ay ku lahaayeen halkaasi, iyaga oo ka cabanaya Mushaar la’aan. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan arrintaasi. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona Al Shabaab dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka bilaabeen deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites