Deeq A. Posted March 18, 2019 Cadale (SMN) – Waxaa saaka dagan xaaladda deegaanadii lagu dagaalamay degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Waxgaradka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa in dadaallo looga hortagayo xiisadani ay ka bilaabeen agagaarka degmadaasi. Dagaalladan oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa waxa ay saameyn ku yeesheen dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkii ugu dambeeyay ee shalay ku dhintay ku dhawaad 10 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 15 kale. HirShabelle waxaa inta badan ku soo laa laabta dagaallo u dhxeeya maleeshiyo beeleed wada daga deegaanada maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites