Deeq A. Posted March 18, 2019 Xudur (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo xalay saqdii dhexe Al Shabaab ay ku qaadeen fariisin Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Weerarka ah oo mid qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in dagaalyahannada Al Shabaab dhowr jiho ay uga qaadeen xeradaasi. Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan ayaa baahiyay in khasaare xoogan ay gaarsiiyeen ciidanka Itoobiya, inkasto aysan shaacin inta uu la’egyahay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Xudur oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya gobollada Baay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites