Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Muxuu Farmaajo uga baaqday kulankii Geelle ee xarunta Jeneral Kahiye?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysay sababta uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqday kulankii uu shalay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle kula hadlay xildhibaanada Soomaaliyeed.

Munaasabadda uu Geelle kula hadlayay xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa shalay ka dhacday dugsiga Booliska Jeneral Kaahiye.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in sababaha uu Madaxweyne Farmaajo ku diiday ka qeyb-galka kulankaas ay tahay khilaafka weli u dhaxeeya labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya oo aanu weli xal laga gaarin.

Khilaafkan oo socda muddo bilooyin ah ayaa yimid kadib markii Aqalka Sare uu xiriirka u jaray Aqalka Hoose

Waxaa socda qorshe la doonayo in kalfadhiga labada Aqal si wadajir ah loo furo, laakiin ma cadda sida ay ku suura geli doonto haddii aan la xalin khilaafka soo dhex galay labada Aqal.

Xildhibaanada Aqalka Sare horay loogu wargeliyay in Kalfadhiga 5aad la furayo 16 bishan oo shalay ku beegneyd, balse loo baajiyay imaanshaha Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Aqalka Sare ayaa sanadkii hore hakiyay wada shaqeyntii kala dhaxeysay Golaha Shacabka, iyadoo lagu eedeeyay Guddoonka Golaha Shacabka ku tagri fal awoodda ka dhaxeysay labada Aqal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this