Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Gen. Odawaa iyo Guudlaawe oo dagaal beleed ka qayb qaatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay in ka badan 10 kalane dhaawacyo ayaa ka soo gaaray kadib dagaal ka dhacay degaanka Burdheere oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Xiisada dagaalka ayaa maalmahan ka taagneed degmada Cadalle waxa uuna qarxay saakay aroortii hore xoogga dagaalka sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka HirShabeelle ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka ay ka qayb qaateen ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo ka amar qaata Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Abaan duulaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Jeneral Odawaa Yuusuf, kuwaas oo maalmahaan ku sugnaa degaano katirsan degmada Cadalle.

Ciidamada Jeneral Odawaa ee dagaalka ka qayb qaatay ayaa degmada Cadalle u tagay ilaalinta amniga Jeneral Odawaa mar uu tiro koob ka sameynayay Shabeelaha Dhexe, wixii markaas ka dambeeyayna Ciidankaas lagama soo celin degaanadii la geeyay.

Aagga lagu dagaalamay oo ah degaanka Burdheere ayaa habeeno ka hor waxaa fariisin ka sameestay ciidamo maleeshiyo beeleed ah kuwaas oo saakay weerar culus lagu soo qaaday. Wali waxaa taagan xiisada u dhaxeysa labada dhinac waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka dhaco dagaal kale oo khasaara geesta.

Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiinta ayaa ku baqaaya in dagaalka la joojiyo waxayna dhaqanka ka digeen in Ciidamada dowladda ay ku milmaan dagaal beeleedyada Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this