Deeq A. Posted March 17, 2019 Cadaale (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramayaa in saacadihii la soo dhaafay dagaal beeleedyo dib uga qarxay deegaano hoostaga degmada Cadale ee gobokaaasi. Dagaalka oo saaka ka bilowday deegaanada Koobaar iyo Burdheere oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay dagaalladaasi. Waxaana uu sheegay in ay ku dhinteen illaa 7 Qof, kuna dhaawacmeen 15 kale oo isugu jiray maleeshiyaadka labada dhinac iyo dad shacab ah. Illaa iyo hadda ma jirto cid kala dhexgashay maleeshiyaadka dagaalamaya, iyadooan a haatan xaaladdu ay tahay mid kacsan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites