Deeq A. Posted March 17, 2019 Boosaaso (SMN) – Hay’adda gargaarka ee Khalifa Bin Sayid Al Nahyan ayaa raashiin gargaar ah u qeybisay Qoysas ku nool magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari. Deeqdaasi gargaarka ah ayaa waxaa ka faa’iideystay kumanaan Qoys oo ku dhibaateysanaa gudaha iyo daafaha magaaladaasi. Maamulka Puntland ayaa dowladda Imaaraadka ku amaanay gargaarka bani’aadanimo ee ay gaarsiiyeen dadka taagta daran ee ku dhaqan M/Boosaaso Sarkaal ka tirsan hay’adda Khaliifa ayaa sheegay in raashiinkaasi gargaarka ah ay u qeybiyeen kumanaan ruux oo badankood ah barakacayaal. Sidoo kale waxaana uu intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan qorshaha ay deeqaha gargaarka ku gaarsiiyaan dadka danta yar ee ku dhibaateysan halkaasi. Dowladda Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dalalka sida weyn howlaha samafalka uga fuliya gudaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites