Sign in to follow this  
Deeq A.

Zimbabwe Oo Lagaga Dhawaaqay Xaalad Musiibo Qaran

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Zimbabwe)-Tan iyo markii ay ku dhufatay xeebta Mozambique khamiistii, duufaantaasi ayaa ku qasabtay kumannaan qof in ay guryahooda ka baxaan.

106053557_e8460ded-48a6-41fb-bfda-ccf371

Dalka Zimbabwe, magaalada Chimanimani, oo ku taalla buuralleyda dhanka bari ee xuduudda ayay duufaantu si daran u saameysay.

Ciidammada ayaa loo diray in ay caawiyaan arday boqollaal gaareysa, kuwaasoo iskuulladooda ay waxyeello gaadhay.

Labo ka mid ah carruurta iskuullada ayaa dhintay, kaddib markii uu derbi ku soo dumay dhismihii ay degganaayeen.

Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay dalka Zimbabwe, kolkii ay duufaantu ku dhufatay koonfurta bari ee dalkaas.

Wasaaradda isgaadhsiinta ee dalka ayaa sheegtay in la la’ yahay 40 qof.

Duufaantan oo lagu magacaabo Idai, daadadna wadatay ayaa ka dhacday sidoo kale bariga Mozambique, habeennimadii khamiistii waxayna korontada iyo isgaadhsiinta ka jartay dhulalka ku xeeran Zimbabwe.

Duufaantu waxay daba socotaa, abaar ku dhufatay qaybo badan oo Zimbabwe ka tirsan, taas oo sababtay in dalagyadii la filayay aysan soo go`in, waxayna taas horseedday in Qaramada Midoobay ay codsi degdeg ah dirto.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this