Deeq A. Posted March 17, 2019 Muqdisho (SMN) – Waxaa maalintii labaad xiran qaar ka mid ah waddooyinka waa weyn ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Ciidamada ammaanka ayaa gabi ahaan hakiyay dhaq dhaqaaqa waddooyin dhowr ah oo muhiim u ah dadweynaha Muqdisho. Dadka shacabka ah ayaa saaka cagahooda maalaya, si ay u gaaraan goobahooda shaqo ama waxbarasho. Arrinta xirnaashaha waddooyinkan ayaa la xariirta booqasho rasmi ah oo uu shalay Soomaaliya ku soo gaaray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona la filaya in madaxweyne Geelle maanta uu khudbad u jeediyo xildhibaanad labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites