Deeq A. Posted March 17, 2019 Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in saaka uu dagaal beeleed ka socdo deegaan hoostaga degmada Cadale ee Gobolkaasi. Dagaalka ayaa waxa uu ka socdaa deegaanka llayiraahdo Burdheer oo dhacda duleedka Cadale. Dagaalka ayaa haatan si toos ah u soconayo iyada oo hubka noocyadiisa kala duwan ay isku adeegsanayaan maleeshiyaadka. Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi hayeeshee dad aan la hadlay ayaa ii sheegay in uu jiro qasaare. Dagaalo beeleeeyadaan ayaa ku soo laa laabtay gobolka Sh/Dhexe. Faah faahin dib kala soco insha allah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dagaal ka socdo gobolka Sh/Dhexe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites