Sign in to follow this  
Deeq A.

Accra mise Ankara?: Biixi oo abuuray jahwareer ku saabsan wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Turkigu ka shaqaynayo kulan la filayo inuu 19-ka bishan ka dhaco magaalada Accra ee dalka Ghana oo lagu samayn doono guddi caalami ah oo Somaliland iyo Soomaaliya kala dhex-gasha.

“Cisho dhaweyto Turkiga ayaa waanigii meelo horena ka sheegee waxaanu ku nidhi waar keligaa ku aqbali maynee caalamka kale hana soo dhex-galo wuuna aqbalay.

Jawaab ayeyna soo celiyeen Ingiriiska, Mareykanka, Midowga Yurub, Sweden wuxuuna codsaday in la isugu yimaado 19-ka bishan meesha la yidhaahdo Accra ee Gaana, si loo sameeyo guddi caalami ah oo kala dhex-gala Somaliland iyo Soomaaliya, waxa hubaal ah inay xamar iyo inta la joogtaaba ka dagaalamayaan.” ” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Hadalkaan Madaxweyne Biixi kadib waxaa soo baxay su’aalo badan oo la iska weydiiyay dalka Ghana ee uu Biixi sheegay inuu martigelinayo kulankaas.

Biixi wuxuu ka dhawaajiyey in dowladda Turkigu abaabulayso kulankaas, haddana wuxuu shaaciyay inuu kulanku ka dhici doono magaalada Accra ee dalka Gaana, halkaasna waxa kasoo baxeysa su’aal la iska weydiin karo oo ah Turkigu muxuu dedaalkiisa iyo tacabkiisa kala doonayaa dal kale?.

Dowladda Turkiga ayaa ergey gaar ah oo khabiir ku ah arrimaha Soomaalida u magacowday wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu Turkigu u muuqdaa inuu doonayo inuu xoogga saaro sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadaladaas.

Waxa dhici karta sida dad badanba ay aaminsanyihiin inaanu jirin kulan qorshaysan oo Somalialnd iyo Soomaaliya ku dhexmari doono dalka Ghana, laakiin ay u eegtahay in la isku khalday labada magac ee magaalooyinka Accra oo Gaana ah iyo Ankara oo Turkiga ah.

Rashiid Cabdi oo ka tirsan Hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha dunida (ICG) ayaa qoraal kooban oo uu ku qoray bartiisa twitterka wuxuu ku sheegay inaanu jirin kulan qorshaysan oo ka dhacaya Gaana, taas bedelkeedna uu jiro kulan ka dhacaya Ankara oo Turkiga, waxaanu intaas kusii daray Rashiid inay muuqato in qof uu isku khalday labada magac ee Accra iyo Ankara.

Caasimada Online oo isku deyday iney wax ka weydiiyo jiritaanka kulanka Accra ee Ghana Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Faratoon ayaa suurtagalin Wasiirka oo dalka dibadiisa ku maqan.

Si kastaba, 19-ka bishan ayaa waxaa kala cadaan doona in Somaliland iyo Soomaaliya uu shir uga furmi doono Gaana iyo in Madaxweyne Biixi u isku qalday oo ujeeday Ankara.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this