Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo la wareegay deegaano ay baneeyeen ciidamada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamada Booliska iyo daraawiishta maamulkaasi ay isaga baxeen deegaano hoostaga Galgala.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa markii ay baneeyeen deegaanada hoostaga Galgala waxaa la wareegay Al Shabaab, sida ay baahiyen warbaahinta deegaanada maamulka Puntland.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa isaga baxay saldhig ay ku lahaayeen deegaan ku dhow Jimbac oo ka tirsan Buuraha Galgala, waxaana la sheegay in kadib ciidamada Al Shabaab ay la wareegeen deegaanka.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ay ciidamadan uga guureen  fariisinkii ay ku lahaayeen Buuralayda Galgala ee gobolka bari, balse wararku waxa ay sheegayaan in ciidamadan mudo dhowr bilood ah uu ka maqan yahay mushaarkii ay qaadan jireen.

Maamulka Puntland ilaa iyo hada kama  hadlin bixitaanka ciidamada ay ka baxeen saldhiga ay ku lahaayeen Jimbac.

Al Shabaab iyo Daacish ayaa ku dagaalamay deegaanada Galgala, waxaana jira loolan adag oo labada koox u dhaxeeya,  kaasi oo caqabad ku noqon kara maamulka Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan sheegay in Maamulkiisa uu gali doono dagaal adag oo ka dhan ah Al Shabaab, iyadoo arintaan ay caqabad ku noqon dooto dadaalada maamulkiisa uu wado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this