Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jabuuti oo Khudbad u jeedinaya Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa maanta la filayaa inuu khudbad u jeediyo xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka.

Xildhibaanada ayaa kulan ku yeelanaya xarunta Tababarka ciidamada ee Iskuul Baluuziya ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in Khudbad dhinacyo badan taabaneyso uu uu jeediyo xildhibaanada.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana gabi ahaanba la xiray waddooyinka gala xarunta ciidamada Tababarka oo uu maanta ka furmayo kulamada baarlamaanka.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dib loo dhigay furitaanka Kalfadhiyadooda, waxaana loo sababeeyay xiisadda u dhaxeysa labada aqal ee baarlamaanka, iyadoo xalay xildhibaanada fariimo loo diray.

Guddoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan kulanka maanta ka dhaceyo magaalada Muqdisho.

La soco kulanka iyo waxyaabaha kasoo kordha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this