Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland Oo La Safatay Shirkadda DP World, Cabashadii Ganacsatadda U Joojin Wayday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay aqbashay lacago ay shirkadda DP World ku kordhisay alaabaha laga soo dejiyo dekedda Berbera.

Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), wasiirka wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland, ayaa sheegay in ay DP World u ogolaadeen in lacagaha tafaariiqda ah ee ay ka qaaddo alaabaha kasoo degaya dekedda ay ku qaadato qiimaha suuqa, halka markii hore ay ku qaadan jirtay qiimaha baanka dhexe ee Somaliland.

Wasiir Saajin wuxuu ganacstada dekedda Berbera alaabaha kala soo dega ku amray in ay si degdeg ah ugala baxaan alaabtooda, kuwaasi oo uu sheegay in iyagoo ka xun arrintan ay diideen in ay alaabaha kala baxaan dekedda.

Wasiirka ayaa yidhi; Waxaan amar ku siinayaa ganacsatada alaabteeda kala bixi la’ boodhka iyagoo ku andacoonaya arrintan in ay si degdeg ah ugala baxaan, haddii ay ugula bixi waayaana waxay muteysan doonnaan ganaax”

Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this