Sign in to follow this  
Deeq A.

Waayo Aragnimadiisii Shaqo Ee Ibraahim Aadan Oo Ka Mid Ahaa Ciidammadii Somali Scout

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa Maanta aan Ka Helay Kaydka Sawiradayda, Labadan Sawir, Waa Aabo Oo Muddo 5 Sanno Ku Dhawaad Xanuun U Jiifa Guriga uu Ka Degan Yahay Hargeisa Alle Ha Caafiyo, Waxa uu Ku Dhashay Deegaanka Baargo(Koonfurta Hargeisa) Hilaadii 1938-1940 Kii.

54268011_10218230194174752_3064624307188

Waxa uu Shaqada Ciidamada Galay Wakhtiyadii Gumaysiga, Isagoo Ka Mid Noqday Ciidamadii Ingiriisku Qoranayey ee La Odhan Jiray Somali Scout, Waxa uu Markiiba Ka Hawl Galay Gobalada Sool iyo Sanaag, iyadoo Ingiriisku is Waydaarin Jiray Deegamada ay Ka Hawl Galayeen.

Waxa Uu Tabaro Aqooneed Ingiriisku Ugu Diray Kenya,1955 ilaa 1957 Halkaas oo uu Ku Soo Qaatay Koorasyo Ay Ka mid ahaayeen Finger Print Investigation, First Aid iyo Law.ga.

Markii uu ku soo Noqday Wadanka, Waxa uu Kaga Hawl Galay Shaqadii U Horaysay Saldhiga New Hargeisa,Oo uu Baadhe Ka Noqday,1957 Ku Xigeena uu u Noq day C/qaadir Aw Xuseen Mire Oo hadda Nool ahna Xildhibaan Guurtida ah.

Baadhitaanadii U Sameeyay Kuwa Ugu Caansan ee Uu Aabo Ila Wadaagay Waxa ka Mid ah Xaaji Cabdikariim Xuseen Cabdi Waraabe Oo Ragg ay Ehel Yihiin Nabar Madaxa Uga Gaysteen Waa 1960 Gii Xoriyadda Wax Yar Ka Hor, Halkaasi Oo Uu Aabo Si Caddaalad Ku Dhisan Tahay U Kala Saaray Labadii Nin ee Dambiilaha Ahaa, isagoo u Adeegsaday Xirfadiisii Dambi Baadhiseed.

Waxa kale Oo Uu Ka Hawl Galay Cisbitaalka Hargeisa, Halkaas Uu Mudadii Uu Joogay Ka Ahaa Nurse/Kaaliye Dhakhtar.

Markii Kacaanku Ka Hana Qaaday Wadanka, Waxa uu Madax Ka Noqday Minashiibiyadii Dowlada Hoose Qaybta Zayladda Xoolaha iyo Bacad layaasha ilaa BurBurkii Kacaanka. 1990 Ayay Dowladii Maxamed Siyaad Barre Ku Xidhay Aabo iyo Saraakiil kale Saldhiga Dhexe iyadoo Loo Haysto Wiilal Ay Dhaleen Oo Jabhadii SNM Ku Biiray. Nasiib Darro Odayaashii Kale Saqdhexe ayaa Lagala Baxay Shookiigii iyadoo Badhka LA Soo Taagay, Aabo Se Kabtan Xidhe ayaa Haabeenkaa Gaar u Saaray.

Habeenkii Labaad Ayuu Aabo Go’aan Saday in uu Baxsado Shul Ama Shall isagoo Pistooladiisii iyo Oxogaa Lacag ah Shaadhkii Dirayska Hoos Kagaga Toshay, Markaa Aabo Derajadiisu Waxay Ahayd 3 Xidigood Oo Cad Cad Ama Gucun Dhooyin.Tix Galin Awgeed Iyo Derajadaa Ayuu Kaga Soo Baxsaday Ilaa Firxadkii Uu Xarshin Noogu Yimid Anagoo Geeri Ku Tirinaynay.

Markii Dalka LA Soo Galay 1993-1994 Dowladii Tuur Iyo InacCigaal, Waxa Uu Markale Hogaanka Taliyaha Rugta Baanka Dhexe ka Noqday, Waxay Ahayd Maalinkii Shaqo Ugu Dambeeyay 11/02/2015 oo Xanuun Haleelay ilaa Hadda Ayuu Jiifaa. (Allxamdullihi)

Markii Derajada LA Qaybiyay Nasiib Darro Waxa Uu Kow Ka Noqday Saraakiishii Laga Musuq Maasuqay e Eberka LA Siiyay(0).

Dedaal Dheer Ka Dib Oo Uu kaw Ka Ahaa General Fadal,Saleebaan Cumar Ku Joog iyo Saraakiil Kale Oo Badan Waxa Uu Aabo Helay Tii uu Xaqqa Uu U Lahaa isagoo Markaa Jiifa.

Goobta Shaqadda: Waxa Uu Heegan Ku Ahaan Jiray inta Ugu Badan Wakhtigiisa Habeen iyo Maalinimo, Isagoo Gaadhka La Wadaagi Jiray Ciidankiisa Heeganka Ku Jira Oo Shaqada Waxa uu Soo Gali Jiray 4.00 Am Subax Nimo Si Uu U Nasiyo Askarigii Habeenkaa Soo Jeeday.

Waana Ta Keentay in Uu Soo Saaro Askari Dhisan Oo Akhlaaq leh oo Ku Fiican Ilaalinta Goobaha Maaliyadeed, Tusaale, Dahabshiil Askarta ilaalisa, Baddi Waa Ciidan Uu Aabo Ku Soo Tababaray Feejignaan iyo Amaano.

Hal Aan Ka Bartay:- Waxa Uu Igu Booriyay in aanan Waligay Qof Bini Aadam Ah Gacanta Hoos Dhigan, Kana Qaadan Wax is Daba Marin ah, Taasi oo Keeni Karta in Uu Qofkaasi I Maamulo oo San Ka Tago Caddaaladda iyo Xaqqa.
Waxa aan Ka Bartay Ad Adayg, Xilkasnimo, Wakhtiga ilaalintiisa iyo Xejinta Sirta Dowladda, Weligii Hawlgal Shaqo Oo Uu u Baxayo ilamuu Wadaagin, Waxa Uu Odhan Jiray Waa Hawl Ciidan/ Police.

Intii Uu Shaqada(Baanka) Ku Jiray Alle Waa Ku Asturay, Abbal Baddana Way U Hayeen, Una Hayn Doonaan Masuuliyiintii Soo Martay iyo Kuwa Hadda Joogaba.
Ali Ibrahim Ahmed H A Arwo

Derajadiisu Waa Gaashan, Tii Markaa LA Siiyay.

Waxaan Mahad Balaadhan iyo Abaal Alle Ka Sakow Aanu U Haynaa Taliyaha Ciidanka Police Ka JSL General Cabdullaahi Fadal Iimaan Oo Si Guud iyo Gaar Ahaaneedba Uga Warhaya Oo IGA Waraysta iyo Saraakiisha Kale e Ciidanka Guud Ahaanba.
Aabo Waligii Ma Caban. Umana Dhalan Baryo.

Wabillaahi Towfiiq.

W/Q Maxamed Ibraahim Aadan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this