Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Dalka Jabuuti Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxda-sax-ah-660x405.jpg

Waxaa safarka ku wehlinaya madaxweyne Geelle wasirro, xildhibaanno iyo fannaaniin, waxaana si diiran loogu soo dhoweeyey halkaasi Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) xubo ka tirsan Labada golle ee dowladda, ciidamada qalabka sida iyo dadweyne badan ayaa soo dhoweeyey madaxweynaha dalka Jabuuti.

Sidoo kale, madaxweyne Geelle ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka mid ah ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, iyadoo halkaasi lagu garaacay astaamada qaran ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Waxa uu madaxweyne Geelle la kulmi doonaa madaxweyne Farmaajo oo arrimo dhowr ah ka wadahadli doonaan.

Dhanka kale, madaxweynaha Jabuuti ayaa xadhigga ka jari doona dhismaha cusub ee safaaradda Jabuuti oo ku yaalla degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho, wuxuuna dhanka kale tagi doonaa magaalada B/weyne oo ay joogaan ciidamo ka socda dalkiisa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this