Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:-Madaxweyne Gelle oo soo gaaray M/Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Gelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa wafdigan ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Xildhibaano, wasiiro, saraakiil ciidan, abwaano iyo fanaaniin ayaa booqashadan ku wehlinaya madaxweynaha Jabuuti, taas oo qaadan doonto muddo labo cisho ah.

Labada madaxweyne ayaa lagu wadaa in ay xarigga ka jaraan Safaaradda cusub ee Jabuuti ka dhisatay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashi xoog leh oo ay yeeshaan wadamadaan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

6 2 3 4 5Jabuuti

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this