Deeq A. Posted March 16, 2019 Balcad (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyadan, xilli ay marayeen deegaanka Haan-Sheekh ee gobolkaasi. Lama oga illaa iyo hadda khaaaraha dhabta ah ee ciidamada AMISOM ka soo gaaray qaraxaasi. Dhinaca kale Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxani ayaa baahiyay in ay ku burburiyeen gaari Gaashaaman oo ay lahayeen ciidanka Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka HirShabelle iyo kan gobolka oo ku aadan dhacdadaasi. Al Shabaab ayaa inta badan weeraro dhaba gal ah ku qaada ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites